Iran oo marin cusub u noqotay dhuxusha dhaqaalaha kasoo gala Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin cusub oo ay daabacday Reuters ayaa lagu sheegay in dalka Iran uu noqday hadda marin cusub oo la marsiiyo dhuxusha sida sharci darrada looga soo dhoofiyo Soomaaliya, ee la geeyo dalalka Carabta.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa lacag badan kasoo gasha ka ganacsiga dhuxusha, maadaama ay iyadu maamusho degaanada laga keeno, ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka.

Warbixintan oo lala wadaagay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegaysaa in Al-Shabaab sanad walba ka hesho dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo dalka 10 milyan oo dollar.

Baariyaasha UN-ka ayaa sheegay in lacagta ugu badan ee Al Shabaab ay kasoo gasho canshuurta ay uga qaado baabuurta xamuulka ah ee dhuxusha kasoo qaada bar koontarool oo ay ku leedahay meel 160-KM dhanka waqooyiga galbeed uga beegan Muqdisho, oo ah wadada ka timaada Baydhabo.

Marakiib ayaa si dhuumaalaysi ah uga qaada dhuxusha dekado macmal ah, oo ku yaalla dalka, kuwaasoo sii marsiiya dalka Iran, kadibna looga sii gudbiyo dalka Imaraadka, sida lagu sheegay warbixinta Reuters.

Inkastoo ay maamusho degaano yar, haddana Al Shabaab waxay canshuuro aad u badan ka qaadaa ganacsiga magaalooyinka ay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada gacanta ku hayaan, oo Muqdisho kamid tahay.

Maadaama Kooxda argagaxisada ah aysan lahayn Akoono Bangi ayaa waxay isticmaashaa, oo lacagaha loo mariyaa adeegga xawaaladda Mobile-ka Shirkadaha Isgaarsiinta, oo ugu horeyso Hormuud Telecom.

"Ganacsiga dhuxusha ayaa weli ah dakhli muhiim u ah Al-Shabaab, oo kasoo gala ugu yaraan Todono milyan iyo bar Dollar, oo ka hesho canshuurta koontaroolka gaadiidku maro," ayaa lagu yiri Warbixinta.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 2012 mamnuucay in dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in Al Shabaab ay ka hesho dhaqaalaha ay kula dagaalamyso dowladda iyo AMISOM.

Iran ayaa lagu eedeeyay inay jebinayso go'aankii Gollaha Amaanka, iyadoo u ogolaatey dekadaheeda inay maraan Maarkibta sida duxusha, ee kusii jeeda dalalka Khaliijka carabta.

Tan iyo bishii March ee sanadkan, waxaa la ogaaday in Maraakiib isticmaalaya Warqado muujinaya in Dhuxusha laga soo dhoofiyo dalalka Comoros, Ivory Coast iyo Ghana ay ku xirtaan dekadaha Iran, halkaasi oo looga bedelo jawaanada dhuxusha, oo lagu shubo kuwa cad-cad kadibna la geliyo dalalkii loo waday.

"Jawaanada/loorarka ayaa laga bedelaa dhuxusha marka Iran laga geeyo, waxaa lagu shuboo jawaano yaryar oo cad, kadibna doomo ayaa lagu raraa oo geeya dekadda Al Hamriya, oo Dubai ku taalla, iyadoo laga dhigayo sida in Iran laga keenay," ayay sheegeen baariyaasha Qaramada Midoobey.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Qaramada Midoobey Lana Nusseibeh ayaa sheegtay mar xiriir arintan laga sameeyay inaysan ka hadli karin, sababtoo ah warbixinta oo wali Gollaha Amaanka shaacin.

"Imaaraadka waxuu si buuxda uga warhayaa in dhamaan qaraarada Gollaha Amaanka iyo in si dhameystiran looga doonayo dalka walba inuu u hogaansamo xiyaaradaha lasoo rogo, ayay Lana u sheegtay Reuters.

"Waxaan ku celinaynaa balan-qaadkeenii inaan la shaqeyno baariyaasha Qaramada Midoobey si waafaqsan xeerarka u degsan," ayay hadalkeeda raacisay Safiiradda.

Danjiraha Iran ee Qaramada Modoobey wali kama uusan hadlin warbixintan.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Abuukar Baalle ayaa dhawaan sheegay in Markab dhuxul ka qaadey dalka, uu ku xirtay dekad ku taalla Iraq. [Halkan ka akhri warka].

Soomaaliya ayaa dagaallo ka socday mudo ku dhaw 25 sano, iyadoo ay burbureen hay'adihii dowliga ahaa ee ilaalinayay xuduudaha dalka, bad, barri iyo cirka, iyadoo gudaha ay maamulaan dhinacyo badan.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagey joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidamada Militeriga dowladda Federaalka, ee Raashiinka iyo Shidaalka, arrimo la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyay deeqda.

Gollaha Amaanka ayaa xayiraad dhanka hubka ah saarey Soomaaliya 1992, si loo yareeyo hubka dalka soo galayay ee hogaamiye kooxeedyada dibadda looga keeni jiray kuwaasi oo xukunka ka tuurey dowladii militeriga ahayd ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM