Isqabqabsi ka dhashay Jaamacad ay DF ku diiwaan-gelisay astaanta UN-ka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyay in ay xiriir la leedahay Jaamacad ku taala magaaladda Muqdisho oo Dowladda Federaalka ah ay ku diiwaan-gelisay astaantooda.

Warbaahinta Goobjoog ayaa afhayeenka UNSOM, Ari Gaitanis, kasoo xigatay in ay baaritaano ku bilaabeen arrintaan ayna la socdaan dhaqdhaqaaqa xaruntan.

"Waxaan arrintan ogaanay dhowaan, saraakiishayaguna waxay sameynayaan dabagal si ay u caddeeyaan sida ay taasi u dhici karto iyaddoo aanan ogolaanshiyo la siin," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ku xusan warbixinta.

Haddii ay cadaato in Jaamacadan aysan fasax u haysan isticmaalka sumada Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, sidda ay sheegeen khuburadda, maamulkeeda waxay ku wajihi karaan cunaqabateyn caalami ah.

Kahor inta aan heerkaas leysla gaarin, Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda oo difaacday Jaamacadda, ayaa ka dhawaajisay in ay hubin badan sameysay kahor inta aysan ruqsadda siin Jaamacadda oo shaqo bilowday.

"Jaamacada si sax ah ayaa loo diwaangaliyay. Waxaan hubinay dhamaan dukumiintiyada loosoo bandhigay kahor diiwaangelinta. Waxaan raacnay shuruucda, UN-ka waa in uu noo sheegaa cidda xarunta waxbarasho soo siisay dukumiintiyadda," ayay wasaaraddu ku adkeysatay.

Baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaadey in Jaamacadda uu leeyahay Cali Maxamed Geedi, ra'iisul wasaarihii dowladii ku meelgaarka Soomaaliya, 2004-07. Hadda wuxuu lataliye u yahay madaxweyne Farmaajo.

Falcelinta maamulka Jaamacadda

Walaaca soo ifbaxay ayaa wuxuu yahay sababta wasaaradda tacliinta sarre aysan xaqiijin dheeraad ah ugu tagin xafiiska UN-ka, waa mid shaki dhalineysa.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka United Nations Academy of Somalia oo ah Jaamacadda is-qabqabsigu ka taagan yahay ayaa gaashaanka loogu dhuftay wararka la xiriira in ay sameeyeen been-abuurasho.

War-saxaafadeed ayay ku sheegeen "in wariyeyaasha buunbuuninaya sheekooyinkan ay yihiin kuwa loo diiday wareysi ay la yeeshaan maamulka ayna dalbadeen lacago sharuur ah ama baad".

"Haddii qaswadeyaal bahda saxaafadda ka mid ahi arrimahaas oo kale ay mar dambe isku dayaan Maamulka Akadeemiyadu wuxuu diyaar u yahay in uu dawad uga gudbiyo xafiisyada garsoorka. Intaas waxaa dheer in ardayda akadeemiyada iyo shacabka Soomaaliyeedba ay difaaci doonaan hoygaan tacliinta sare ee iftiinka aqoonta iyo horumarka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Nidaamka waxbarasho ee waddanka ayaa kamid ah kuwa ugu liita caalamka, waxaana ugu wacan burburka dowladnimo ee ka dhashay dagaalkii sokeeye, waxaana Jaamacaduhu yihiin kuwa qiimo badan, balse aan fiican tayo lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM