DF oo 20-kun oo Doollar "ku bixisay" daaweynta is-miidaamiye fashilmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa 20-kun oo Doolar ku bixisay daaweynta ismiidaamiye fashilmay ayna dhaawaceen ciidanka amniga si ay gacanta ugu dhigaan, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Saciid Biriq Maxamuud ayaa wadde ka ahaa gaari NOAH oo 15-kii June, 2019 ku qaraxdey kontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho. Al-Shabaab ayaanna sheegatay falkaas.

Weerarkaas oo xilliga uu dhacayay wadada ahayd mid mashquul badan waxaa kaliya ka dhashay burbur soo gaarey gaadiid iyo dhismeyaal kale.

Ciidamadda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa saddex xabadood ku dhuftay Saciid oo isku dayey in uu xoog ku maro kontaroolka.

Sidda ku xusan warbixinta, dhaawacii halkaas kasoo gaarey oo muddo qaatay ayaa sababay in ay dib u dhacdo maxkamadeyntiisa. Xukuumadda federaalka ah ayaana bixisay 20-kun oo Doolar si loo badbaadiyo noloshiisa.

Balse telefishinka ku hadla afka xukuumadda federaalka ma uusan soo bandhigin fahfaahinta qaabka ay ku baxday lacagta iyo nooca dhaawaca soo gaarey.

Waa kuma Saciid Biriq Maxamuud?

Sidda uu ku sheegay wareysi laga qaadey oo isla Talaadada maanta ah la baahiyey, Saciid oo magaciisa afgarashadda uu yahay Isticjaal ayaa ku dhashay Muqdisho gaar ahaan degmada Hiliwaa, xaafada Suuqa Xoolaha.

Balse waxa uu kusoo barbaaray degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo muddo sanado ah uu kula noolaa qoyskiisa.

Galkiisa waxbarashadda ayaa muujinaya in uu jaamacadda sanadkii labaad uu dhexda kaga haray. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa.

Degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose ayuu kaga biiray xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kahor inta aysan qabsan ciidanka.

Telefishinka dowladda Soomaaliya ayaa wariyey in ciidamadda Puntland ay siidaayeen kadib markii ay ku qabteen Boosaaso "isagoo kusii jeeda buuraleyda silsilada ah ee gobolka Bari dooyana in uu ku biiro Al-Shabaab".

"Isticmaalka qaabka is-maahiska iyo diifta ka muuqata ayaa u sahashay in ay sii daayaan ciidamadda Puntland," ayay raacisay warbixinta TV-ga.

Maxkamada ciidamadda Soomaaliya oo isla maanta xukun kasoo saartay kiiska Saciid ayaa ku xukuntay xabsi daa'in, waxayna u cuskatay caddeymaha dambi-muujinta, qiraalkiisa iyo khasaaraha maaliyadeed ee is-qarxintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM