Janan oo shaaciyay cidda ku gacan siisay inuu baxsado iyo xogo kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan ayaa ka warbixiyay qaabkii uu uga soo baxsaday gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo mudo 5 bilood ah ku jiray.

Janan ayaa daboolka ka qaadey in Mas'uuliyiin sare, oo ka tirsan dowladda ay ku gacan siiyeen inuu baxsado, isagoo ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii kala shaqeeyay inuu fakado.

Wasiirka ayaa beeniyay in markii laga qabtay Garoonka sanadkii tagey, la geeyay xabsi, waxaana uu sheegay in lagu hayay guryo shacab ay leeyihiin, oo ku kala yaalla degmooyinka Huriwaa iyo Shibis, oo ay ku ilaalin jiraan dhowr iyo toban askari.

"Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go'aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay," ayuu BBC-da u sheegay Janan.

Waxa uu Janan ku tilmaamay sababta ay dowladda u xirtay inay ahayd inuu ka diiday dalab ku aaddanaa inuu ku wareejiyo ciidamo 1,000 askari ah oo daraawiish ah iyo arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo August 2019, oo dib loogu doortay Axmed Madoobe.

"Markii la i xiray, waxaa la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani'aadannimo.

Mudo saddex cisho ayuu ku sugnaan Janan Muqdisho, kadib markii gurigii uu ku xirnaa kasoo baxsaday, isagoo kaddibna doon kasoo raacay xeebta, taasoo uu ku gaarey Kismaayo oo 500-KM u jirta caasimadda.

Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buula-Xaawo, islamarkaana uu qorsheynaya inuu qabto degmoyin ka tirsan gobolka Gedo, oo hadda ka jirto xiisad colaadeed kadib markii ay dowladda dhawaan geysay ciidamo, kuwaasoo ay ugu talo-gashay inay ku qabsato goobaha ay Jubaland maamusho.

Qaabka loo dhaqmay

Intii lagu guda jiray wareysiga, Janan ayaa faalo ka bixiyey qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

"Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan".

Beenin

Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado. Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.

Dhinaca kalena, wasiir Cabdirashiid Janan, oo aad ugu dhow madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi.

31-kii Janaayo, 2020 ayay ahayd markii uu gaarey Kismaayo, isla maalintaas ayuuna u sii gudbay caasimadda Kenya. Ujeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira hubinta caafimaadkiisa.

Ugu dambeyntii, wasiir Janan oo ka jawaabay su'aal ku saabsan ugaarsiga lagu hayo ayaa yiri "aniga Gedo ayaan joogaa, mana ka tagayo. Cid walba i dooneysa waxaan leeyahay Jaale soo dhowaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM