Keating oo kulamo kawada Muqdisho xilli waqtigiisu dhamaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa kulamo ka billaabey Muqdisho, xilli xileedkiisu dhamaanayo bisha November ee sanadkan.

Wasiirka Ganacsiga ee xukuumda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa daboolka ka qaadey inuu Keating ugu yeeray xarunta Xalane, isaga iyo saddex kamid ah wasiirada xukuumada Xasan Cali Khayre.

Maareeye, Wasiirka Ganacsiga xukuumada Soomaaliya oo qeyb ka ahaa wasiiradda ayaa wuxuu sheegay inuu hogaaminayey Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wallow uusan sheegin Mr. Maareeye xiliga uu kulankaan dhacay.

Wuxuu sheegay in ujeedka ugu wayn ee kulanka Keating uu ahaa labo arrimood oo ah: shirkadaha Ajaaniibta ee ka howlgala gudaha Xalana, qaabka ay u shaqeeyaan iyo agabka ay dalka keenaan iyo in mas'uuliyiinta Soomaalida ay geli karaan Xalane.

Wasiirk ayaa sidoo kale tibaaxay in la kulanka Keating ay iyaga ka dalbadeen kadib arrimo muhiim ahaa oo soo ifbaxay, kuwaasi oo ay kamid yihiin shirkadaha badan ee ajnabiga ah ee ka howlgala Xalane iyo caqbadaha jira sidii loo xalin lahaa.

“Waan galnay Xalane waxaana soo aragnay dhamaan Shirkadaha ajaaniibta, waxayna gaarayaa ku dhawaad 300 oo adeegyo kala duwan qabta; Makhaayado, Ganacsiyo iyo waxyaabo kale ayey qabtaan,” ayuu wasiirka u sheegay Warbaahinta dowlada.

“[Haa] mas'uuliyiinta dowladda waa ay geli karaan Xalane waana noola ogolaaday midaas,” ayuu hadalkiisa kusii daray, inkastoo su’aashan uusan weydiinin wariyihii wareysiga ka qaadayey Wasiirka Ganacsiga.

Mar uu soo hadal-qaaday in shirkadaha ka howlgala Xalane aysan bixin Canshuurta, ayuu ku jawaabey in ay dalka ku joogaan magaca Qaramada Midoobay, uuna jiro heshiis ah in shirkadaha UN-ka aan cashuur la weydiin karin.

“Dabcan, waa ay jiraan kuwa kusoo dhex-dhuunta oo aan kamid ah shirkadaha UN-ka u diiwaan gisha, laakiin waxaan wadnaa dadaalo aan wax uga qabaneyno midaas, waxayn kamid tahay wax-yaabaha aan ugu tegnay Keating,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Keating qudhiisa markii aan tagaynay waxaan ugaynay agab aan kasoo qaadnay gudaha Magaalada oo uu ku qoran yahay magaca Qaramada Midoobay, wuuna nala gartay wuxuuna balanqaaday inay wax nagal qaban doonan,” ayuu yiri Maareeye.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu wasiirku ka hadlay amaro ay kusoo rogaan saddex bilood ka hor Shirkadaha dalka ka howlgala guud ahaan Ajanabi iyo kuwa ay leeyihiin Soomaalida, iyadoona ay amarkaas uu ku egyahay bishaan June.

“Waa run in amarka uu bishaan ku eg-yahay, walina ma hayno shirkado isa soo diiwaan geliyay, marka tiro yar laga reebo, waxaana uwacan midaas in dadku ay la qabsadeen sharci darada, laakiin ka yeeli mayno, taliska Booliska ayaan war-qado uqoreynaa,” ayuu xusay Wasiirka.

Aqoon-siyadda ay dowladu siiso Shirkadaha ganacsiga dalka ka howlgala ayuu ku eedeeyay maamulada iyo gobolka Banaadir inay garab maraan dowlada Federaalka ayna iskooda ubixiyaan Shatiyo gaar ah, taasoo uu tilmaamay inay wax ka qaban doonan.

Wasiir Maareeye ayaa ugu dambeyntii, wuxuu ka hadlay shirkadaha diyaaradaha ee kala duwan kuwaasoo ka howlagala dalka, isagoona sheegay in marka laga reebo Hal diyaarad ay yihiin kuwa kale, kuwa aan udiwaan-gishneen wax ka qaban doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM