Kenya oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhismaha derbiga magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo dhaliyay Xiisad iyo kacdoon shacab.

Gudoomiyaha magaalada Mandheera Cali Roba ayaa xaqiijiyay in la hakiyay dhisaha Derbiga, kadib kulan wada-tashi ah oo uu la qaatey wafdi ka socda gobolka Gedo oo hogaaminayay gudoomiyaha gobolkaasi Maxamed Maxamuud.

"Waxaan iskuu afgaranay inaan si kumeel-gaar ah u joojino dhisaha derbiga kaasi oo saameyn ku yeelano in la burburiyo 64 guri oo ku yaalla xuduuda," ayuu yiri Cali Roba.

Guryaha oo ay leeyihiin dad shacab ah ayaa kusoo beegmay goobta loo calaamadeeyay in laga dhiso derbiga, iyadoo shacabka magaalada Balad-Xaawo ay kasoo horjeesteen in guryahaasi la burburiyo.

Roba ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faafisay been la xiriirta in Kenya ay si qasab ah dadka reer Balad-Xaawo ay ku barakicinayso islamarkaana ay burburinayso guryahooda.

"Walaalaheena Soomaaliyeed si qaldan ayaa wax loogu sheegay oo laga dhaadhiciyay in aan wadno dhul ballaarsi oo kusoo xad-gudubnay dhulkooda, waa xaalad abuurtay is-mariwaagga Ciidamada Kenya iyo dadka deggan Balad-Xaawo," ayuu yiri Roba.

Dowlada Soomaaliya wali kama aysan jawaabin eedeynta Gudoomiyaha Mandheera, ee gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dhisamaha derbiga uu saameyn dhaqaale iyo mid waxbarasho ku yeelan doono shacabka ku nool magaalooyinka xadka ku yaalla ee Mandheera iyo Balad-Xaawo.

Derbigan oo dhirirkiisu gaarayo 700KM kaasi oo kasoo oo laguu xirayo Koronto iyo aaladda Kaamirooyinka ee CCTV, waxana mashruucan ay billowday Kenya labo sano kahor si ay uga hortagta weerarada Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer oo xiriir dhanka Isgaarsiinta ah la sameeyay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo iskuu afgartey in si KMG ah loo joojiyo dhisamaha derbiga Balad-Xaawo, islamarkaana labada dowladooda ay kawada hadlaan.

Gudi isku dhafka ah oo ka kooban wasiirro labada dal ka socda ayaa lagu wadaa in dhawaan la magacaabo kaasi oo kulankiisa ugu horeeyay ku yeelan doona magaalada Mandheera, iyagoo xal u raadinaya xiisada taagan.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa audio kale ka dhaxeeya mural dhanka Badda ah oo wali la xalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM