Khasaaraha qaraxii agagaarka madaarka Muqdisho oo la shaaciyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo Isniinta maanta ah ka dhacay kontaroolka koowaad ee laga sugo ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Kabtan Cabdi Xasan, oo ka tirsan booliska Soomaaliya, ayaa u sheegay Garowe Online, in gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay banaanka huteelka Afriik oo ku yaalka isgoyska KM4 ee caasimadda.

Goobjoogeyaal meesha ay wax ka dhaceen ka akdhowadaa ayaa tilmaamay in burbur xoog leh uu soo gaarey goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala ayna kamid tahay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo uu dab qabsaday.

Gaadiidka dab-damiska oo daqiiqo kadib goobta yimid ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka oo aanan lasoo warin waxyeelo ka dhashay.

Xasan ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in ay xaqiijiyeen dhimashada in ka badan 17 ruux, inkasta oo uu tibaaxay in ay tiradda intaasi ka badan karo, maadaama ay jiraan dhowaacyo xaaladoodu ay liidato.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dhaawaca uu ka badan yahay 30, kuwaasi oo lagu daaweynayo qaar kamid ah Isbitaalada magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas’uuliyadda dhacdadan dadka badan galaafatay.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadda oo hay’addaha ammaanka ay mudooyinkii dambe bixinayeen digniino la xiriira in magaaladda ay ku jiraan gaadiid lasoo miidaamiyey, dadweynahana faray feejignaan dheeri ah.

Booliska ayaa sidoo kale wuxuu gebi ahaanba mamnuucay in hareeraha wadooyinka la dhigo gaadiidka raaxada, talaabadaasi lagu fasiray "sababo amni".

Sidda ku cad warbixin kasoo baxday UN-ka, qaraxyadda ay Al-Shabaab sanadihii u dambeysay ka fuliso Muqdisho ayaa ah kuwa gudaha caasimada lagu diyaariyo, halka sanadihii hore gobolada kusoo maleegi jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM