Khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Muqdisho [AlShabaab oo sheegatay]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tobanaan qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena way ku dhaawacmeen markii qaraxyo waaweyn ay fiidnimadii Khamiista ka dhaceen faras magaalaha Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Qaraxa koowaad oo la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa ka dhacay iridka hore ee Hotel Hilaac UK oo ku dhegan Hotel-ka caanka ah ee Maka Al Mukarama.

Rasaas goos-goos ah ayaa la maqlayay tan iyo daqiiqadihii ugu horeeyay ee weerarka, waxaana meesha ay wax ka dhaceen durba tegay gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo laamaha amaanka.

Warar ayaa sheegaya in gudaha Hotel Hilaac UK ay ka dhex-dagaalamayeen rag hubeysan mudo saacado ah.

Maxamed Cabdiraxmaan, sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxii 1aad uu burbur xoogan u geystay goobo ganacsi kale oo halkaasi ku yaala.

"Tirada dhimashada qaraxa 1aad waxay gaareysaa 15 ruux, oo u badan shacab wadada marayey," ayuu yiri Maxamed, kaasi oo hadalkiisa ku daray "Waa suurtagal in tirada ay kororto.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaadey goobta uu qaraxa koowaad ka dhacay ayaa muujinaya gaadiid iyo xarumo ganacsi oo gubanaya.

"Gaariga waxa uu qarxay isaga oo ku jira saf, maadaama meesha uu ku qarxay ay ahayd bar kontarool," ayuu sarkaalka hadalkiisu kusii daray, inkasta oo ka gaabsaday in uu fahfaahin kale bixiyo.

Dhinaca kale, qarax labaad oo ka dhacay dhabarka dambe ee hotel-ka Naasa Hablood 1 oo ku dhow isgoyska KM 4 ayaa la sheegay in gaariga uu ka dhashay ay ceyrsanayeen waqtiga uu qarxayey ciidamada amaanka.

Is-rasaaseyn ayaa la tilmaamay in ay dhex-martay dabley saarneyd gaariga iyo ciidamada amaanka.

"Weerarada caawa ee ka dhacay Muqdisho waxaa loo adeegsaday 3 gaari. Midka 1aad waa kan ku qarxay iridka hotel-ka Hilaac UK…Midka kale waxa uu yaalay agagaarka hotel Kuwait, kan 3aadna waa kan ku qarxay dhabarka dambe ee Naasa Hablood 1, mid kale ayaa jira oo ay ciidamadu ku raadjoogaan oo magaalada ku jira," ayuu sarkaal ka tirsan hay’addaha amniga.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida oo dusha saaratay mas'uuliyada qaraxyadaan ayaa tilmaantay in bartilmaameedkoodu uu ahaa hotel-ka Maka Al Mukarama, kaasi oo hore loo beegsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM