Khayre oo difaacay olalaha musuqa loogu xiray mas'uuliyiinta DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu difaacay olalaha ay waddo dowladda kaasoo lagu xirayo masuuliyiin, kuwaasoo lagu soo eedaynayo masuq-maasuq iyo lun-sashadda Hantida Qaranka.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda oo hadal ka jeediyay munaasabadda Maalinta Dhalinyaradda aduunka ee 12-ka Agoosto oo lagu qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo wax is-dabamarin lagu helo.

"Hadii aad tahay Wasiir ama cid kale oo xil u haya dowladda, oo aad ku fekerayso inaad lun-sato Hantida Qaranka, waan kuu sheegaynaa ina adan Calfan doonin. Dowladda Soomaaliyeed way ka go'an ka dagaalanka musuq-maasuqa," ayuu Khayre xusay.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmayaa xili todobaadyadii udambeeyay uu xawaarre sare ku socday olalaha dowladdu kusoo xireyso masuuliyiin sarre oo dowladda ka tirsan, kuwaasoo musuq-maasuqa iyo ku tagri falka Hantida Qaranka lagu soo eedeeyay.

Inta la ogyahay waxaa haatan ku jira xabsiga saddex mas'uul oo ka tirsan dowladda kuwaasoo labo kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska, halka shaqsiga kale oo uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka.

Intaas waxaa dheer, inuu jiro Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasoo shaqa joojin lagu sameeyay dhwaan kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, islamarkaana todobaadkii hore looga yeeray Maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM