Khayre oo gaarey Itoobiya xilli halkaasi uga horeeyo Fahad Yaasiin

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaarey dalka Itoobiya, oo dhawaan isbedel dhanka hogaanka ah uu ka dhacay.

Safarkan ayaa ka dambeeyay casumaad uu Khayre ka helay dhigiisa dalka Itoobiya, Abiy Axmed.

Wali si rasmi ah looma shaacin ujeedka safarka Khayre ee Itoobiya, kaasi oo kusoo begemaya xilli dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Addis Ababa booqday, lana soo kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

Fahad Yaasiin, agaasiimaha Madaxtooyadda [Villa Soomaaliya], Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Balal Cismaan ayaa Khayre uga sii horeeyay Addis Ababa, oo safar qarsoodi ah ku tagey.

Sababta Fahad Yaasiin iyo mas'uuliyiinta kale ay Itoobiya u joogaan lama oga, laakiin waxay wararku sheegayaan in safarkooda uu ka dambeeyay markii dhawaan Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed booqasho ku tagey Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa la filayaa in Khayre iyo wafdigiisa ay la kulmaan Abiy Axmed, oo ka duwan siyaasad ahaan Ra'iisul Wasaarihii isaga ka horeeyay Hailemariam Desalegn, oo horey Dowladda Federaalka ula galay heshiis ah inaan la qaabilin madaxda maamullada.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey