Khayre oo ka hadlay qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii naftooda ku wayday weerarkii saakay ka dhacay xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaacambaareeyay qaraxa, wuxuuna ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda ka soo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada Booliska Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ay gaartay 18 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 15 kale.

Al Shabaab ayaa sheegtay dhankeeda inay 27 Askari oo Boolis ah ku dishay weerarka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM