Khayre oo Washington kawada la kulanka madaxda maamulka Trump

Image

WASHINGTON, USA - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Washington DC kula kulmay Mas'uul sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka.

Khayre ayaa kulanka la yeeshay David Hale, oo ah ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhanka Arrimaha Siyaasadda, waxaana ay kawada hadleen isbedeladda ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.

David Hale ayaa ugu hambalyeeyay Khayre dedaallada ay sameynayso xukuumadda uu hogaamiyo, isagoo u xaqiijiyay in dowladda Mareykanka la garan taagan tahay Soomaaliya taageero dhinacyo badan ah, maadaama dalka uu ku jiro marxalad dib u dhis ah.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kulan ku wehlinayay mas'uuliyiin wafdigiisa qeyb ka ah, oo uu ku jiro La-taliyaha amniga qaranka Madaxweyne Farmaajo Cabdi-Saciid.

Khayre ayaa todobaadkii tagey Aqalka Cad isku arkeen La-taliyaha amniga Qaranka Trump John Bolton, oo ahaa mas'uuliyiin ugu sareeyay oo Ra'iisul Wasaaraha kala kulmo maamulka Trump tan iyo markii uu dalkaasi tagey maalmo kahor.

Sababta ugu weyn ee uu Khayre u tagey Mareykanka ayaa ah inuu la kulmo madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka, oo uu kala hadlay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii ay uga gacan siin lahaayeen dalka dib u habeynta dhaqaale.

Waa safarkii labaad oo uu Khayre ku tago Mareykanka mudo labo sando gudahooda, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uusan marba booqan dalka, oo uu dhalashiisa haysto tan iyo doorashadiisii 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM