Khayre oo Xil u magacaabey ku-xigeenkii duqa Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xil cusub u magacaabay ku-xigeenkii hore ee duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, Yacquub Maxamed Cadalla.

Yacquub, ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasiimaha Waaxda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saarey Xogyaha joogtada ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Maxamed Keynaan ayaa lagu shaaciyay magacaabidda , waxaana loogu baaqay Agaasiimaha cusub inuu si daacadnimo ay ku jirto u guto xilka loo igmaday.

Yacquub Maxamed, oo ah nin dhalinyaro ah ayaa kasoo shaqeeyay Hay'ado warbaahineed oo kala duwan, kahor inta uusan Siyaasadda kusoo biirin sanado kahor, isagoo noqday ku xigeenka gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo.

Xilka loo magacaabey Yacquub waxaa horey u hayay Cabdiqaadir Nadaara, oo hadda kusoo aruuray La-taliye dhanka Saxaafadda u qaabilsan Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM