Khayre oo Wasiir xilka uga qaadey muranka shirkadaha diyaardaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Isniin ah xilkii ka qaadey mid kamid ah Gollihiisa wasiiradda.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa lagu shaaciyay in xilkii laga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xasan Maclin Xuseen, kaasi oo wax ka yar labo bilood xafiiska joogay.

Wasiirka la eryay ayaa labo bilood kahor ku yimid shaqada isku shaandheyn uu sameeyay Ra'iisul Wasaare Khayre, iyadoo aan lagu shaacin Wareegtadda sababta uu xilkiisa uu ku waayey.

Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir, ayaa si KMG ah loogu magacaabay xilka laga qaadey Xasan Macalin.

Daahir Maxmuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, oo warqadda xilka looga qaaday Xasan Xuseen u akhriyay warbaahinta ayaa sheegay in talaabadaan loo arkay mid "lagama maarmaan ah".

Isbedalkaan ayaa imaanayaa iyadoo ciidamada uleys siyaasadeed oo dhinac kasta uu saaran yahay Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre oo weerarkii Sabtidii lagu qaadey xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha gaarsiiyayay jug culus qorshadeedii amniga.

Xil ka qaadista Wasiirka ayaa yimid xilli muran ka dhashey shirkadaha diyaardaha u qaada xujeyda isagoo khilaafey qorshe Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre damacsanaayeen in qaadista rakaabka xujeyda loo qaybiyo dhamaan sharaa’iga ka jira dalka.

Wasiirka xilka laga qaadey ayaa maalmihii lasoo dhaafey shirkadaha Juba iyo Daalo waxay safar qarsoodi ah ku geeyeen dalka Sucuudiga halkaasoo uu ugu soo saxiixey milkiilayaasha shirkadahaan dukumentiyo muhiim ah kuwasoo u siinaya awood iney kaligood qaadi karaan xujeyda.

Tartanka loogu jiro gadiidka qaadi doono Xujeyda Soomaalida ee u safri doonta dalka Sucuudiga ayaa bilihii lasoo dhaafey waxaa uu ka socdey Villa Soomaaliya kasoo sababey inuu xumaado xiriirka u dhexeeya milkiilayaasha shirkadaha Jubba iyo Daalo.

Gollaha Wasiiradda ee haatan shaqeeya ayaa 65% ah Xildhibaanno katirsan Gollaha shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xubno kamid ah  aqalkaan waxay yihiin Milkiilayaasha shirkadahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM