Khilaaf ka taagan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacaya Shirar iska soo horjeedo, oo ku aadan mooshin la sheegay in laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo sheegay in xilligan in aysan habooneyn Mooshinka in laga keeno Madaxweynaha.

Xildhibaan Xasan Macalin Iidow (Xasan Black) wuxuu xusay in Xildhibaanada Baydhabo ku kulmay ay tiro ahaan gaarayaan 50 Mudane oo kasoo horjeeda Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha.

Waxay isku raaceen Xildhibaanada inay difaacaan Madaxweynaha, islamarkaana ay ka hortagaan mooshin iyo isku day kasta oo awooda looga xayuubinayo Shariif Xasan, oo hadda Muqdisho ku sugan.

Xildhibaano kale ayaa kulan kaasi kasoo horjeeda ku yeeshay dhowr jeer Muqdisho, kuwaasi oo shaaciyay inay saxiixeen mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, oo waxqabad la'aan ku dhaliileen.

Mooshinkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Shariif Xasan uu 22-kii bishii lasoo dhaafay ka furay Baydhaboo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, isagoo kula dardaarmay Xildhibaanada inay maamulkaasi la shaqeeyaan.

Shariif Xasan wuxu kamid yahay hogaamiyaasha ka qeyb-galaya Shirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka kaasi oo wali ka socda magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM