Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya oo salka ku haya Madaxtinimada Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kenya ayaa dib ugu yeertay safiirkii u fadhiyay Muqdisho, iyadoo dalkeedana kasoo saartey safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, si ay uga jawaabto Shirkii Shidaalka 7-dii bishan laguu qabtey London.

Tallaabadan ayaa cirka ku shareertay murankii dhanka badda labada dal, oo kiiskooda horyaallo hadda Maxkamadda Cadaaladda calamiga ee [ICJ], oo wali go'aan ka gaarin xuduud badeeda la isku khilaafsan yahay.

Kenya ayaa ku doodeysa in dowladda Federaalka ay Shirkii London ku xaraashtay xirmooyin Shidaal [Oil blocks], oo ku yaalla badeeda, waxayna hoosta ka xariiqday in Kheyraadkeeda lagu xad-gudbay, taasina ay sabab u tahay dib ugu yeerida safiirka.

 - Madaxtinimada Jubbaland iyo xiisadda taagan -

Xog cusub oo lagu daabacay maanta Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa daboolka ka qaadey in Soomaaliya iyo Kenya ay sanadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaayeen madaxtinimada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Kenya ayaa taageero buuxda siisay Axmed Madoobe, xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doonayo inuu xukunka ka tuuro marka la gaaro doorashada Madaxtinimada Jubbaland, oo lagu wado inay dhaco August, 2019.

Dowladda Kenya ayaa kaalin mug leh ka qaadatey doorashadii Axmed Madoobe 2013.

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu horaantii sanadkan u diray Muqdisho wafdi ka kooban Odayaal Soomaali-Kenyan ah, si ay Farmaajo uga dhaadhiciyaan inuu bedelo mowqifkiisa ku aadan Axmed Madoobe.

Xogta ayaa waxay sheegaysaa in Farmaajo uu diiday codsiga Uhuru Kenyatta, ee ahaa inuu fara ka qaado Axmed Madoobe, isagoo u sheegay wafdigii loo soo diray in Kenya ay keensato musharax kale oo Axmed Madoobe lagu bedelo.

Kenya ayaa ciidamo ka jooga Jubbaland, kuwaasoo si indha la'aan ah u taageera Madaxweyne Axmed Madoobe, oo xilligan dagaal siyaasadeed uga furan yahay dhinaca Villa Somalia, oo diyaarinaysa musharixii isaga bedeli lahaa doorashadda August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM