Macalin Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dishay mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xaaji Caddow.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Macalinka ku toogteen xalay fiidii abaare 7:40pm banaanka Garaash ku yaalla degmada Deyniile.

Macalinka ayaa rasaasta lagu riday ka haleeshay dhanka madaxa, taasina oo soo dedejisay in uu isla meesha markiiba ku naf-baxo, iyadoo meydkiisa halkaasi ay ka qaadeen dad isaga aqoon u lahaa.

Marxuumka ayaa la beegsaday xilli uu Gaarigiisa soo dhigtay Garaasha, oo kusii jeeday Hoygiisa, waxaana goobta durbadiiba gaarey Ciidanka dowlada, oo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.

Kooxda dilka geystay ayaa jidka u galay Macalin, oo horey ugu raadjoogey, sida ay sheegeen qaar kamid ah ihelkiisa, waxaana la ogeyn sababta loo beegsaday maadaama uu ahaa Barafasoor Jaamacadeed.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli Habeen hore Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka kulmay Taliye-yaal Ciidan uu ku baaqay in la xoojiyo amaanka Caasimadda. Halkan hoose ka Daawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM