Madaxweyne xigeenka Jubaland oo soo laabtay

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag'' ayaa maanta Sabti dib ugu laabtay magalada Kismaayo.

Wasiirro ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne boqollaal gaaraya ayaa wafdiga oo muddo bil ah dalka dibadiisa ku maqnaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraaha Kismaayo.

Xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa loo gelbiyay wafdiga ayagoo lagu wado in ay war saxafadeed qabtaan kana waramaan socdaalkoodii qaatay mudada dheer.

Dalalka Kenya iyo Turkiga ayuu gaaray Fartaag isagoo Turkiga kula soo kulmay hay'addo ka shaqeeya horumarka iyo taageridda dadka Soomalida, ballan qaadyo badan ayaana loosoo sameeyey.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta oo lagu wado 16-ka bishaan inuu qabsoomo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM