Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaallamay Hiiraan

Image

20 December, 2015(GO)-Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya ururka Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta lahubo 4 ruux oo katirsan dhinacyada dagaallamayaa ayaa goobta ku dhintay waxaa jira dhaawaca saddex kale.

Ciidamada ayaa deegaanka u tagay howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo goobahaasi ka waday uruurinta waxay ugu yeereen Sako, balse jidka waxaa ciidanka dowladda u galay mallayshiyaad ka tirsan kooxdaasi. Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacado qaatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM