Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Eritrea

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa caasumaad rasmiya ka heley dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki sida warsidaha Garowe Online ka soo xigtey barta Twiter Wasiirka Warfaafinta dalkaas.

Wasiirka Yemane G. Meskel ayaa sheegey in Madaxweyne Farmaajo laga sugayo Asmara maalinta berri ah isamrkana dalkaas ku tagi doona booqasho qaadan doonta muddo 3 cisho ah.

Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo dhowaan soo afjarey colaadii ka dhexeysay ayaa safar wadajir ah dhowaan ku tagey dalka Imaraadka Carabta halkaas oo soo dhowyn sare kala kulmeen madaxda Abu Dhabi.

Ra’isal wasaare Abiy Axmad ayaa 16 June,2018 booqasho ku tagey magalada Muqdisho halkaas oo uu ku soo dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliya ku tago dalka Eritrea tan iyo intii dalkaas dagaal la galey wadanka Itoobiya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon siyaasadeed oo dibada ah la kulantey tan iyo intii talada dalka Itoobiya uu qabtey Ra’isal wasaare Abiy Axmad oo aad ugu dhow dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka.

Villa Soomaaliya ayaa qaadatey mowqif dhexdhexaad ah Khilaafka Khaliijka balse go’aankaas ma aysan aqbalin wadamada xulifida ah ee xiriirka u jirey Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM