Madaxweyne Farmaajo oo Maqaam gaar ah u yeelay Cadaado

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku guuleystay inuu soo afjaro xiisaddii Siysaadeed ee ka taagnayd magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka dib ugu laabtey Cadaado, isagoo Odayaasha deegaanka iyo Siyaasiyiinta beesha Saleebaan ku qanciyay in magaalada ay noqon doonto xarunta Baarlamaanka Galmudug, sidaasina lagu xaliyay tabashadooda.

Odayaashii iyo Waxgaradkii gadoodsanaa ayaa sheegay inay ku qanceen hadalka Madaxweynaha, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan maamulka Galmudug, iyagoo aqoonsaday Heshiiskii awood-qeybsiga Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Galmudug ugu magacdaray "Safarka dib u heshiisiinta", isagoo waqti badan iyo dedaal dheeri ah ku bixiyay soo afjarida kala qeybsanaantii ka jirtay gobollada dhexe iyo khilaafkii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wafdiga Madaxweynaha oo mudo 3 maalmood ku sugnaa Caabudwaaq ayaa sameeyay wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq waxa uu dhagax dhigay Wado dheer oo isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq, taasi oo lacagta lagu dhisayo ay bixin doono dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM