Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka kala tirsan labada golle ee dowladda, ayaa ka qeybgalaya Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacaysa Berri magaalada Nairobi.

Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashadii ku celis ahayd ee 26-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacday wadanka Kenya, taasi oo natiijadeeda ay aqbashay Todobaadkii tagey Maxkamdda sare ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo caleema-saarka Uhuru kadib uu usii gudbi doono magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast, kaasi oo ka furmaya shir socon doono 28 ilaa 29-ka bishan November, 2017.

Shirka Abidjan ahaa ah mid ay ku kulmayaan hogaamiyaasha Africa iyo Midowga Yurub, kaasi oo looga hadli doono arrimaha tahriibka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo sabool-tinimada ka jirta qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u qabsaday tuulooyin Al-Shabaab ka baxday 

Howlgalka wuxuu ku bilaawday si habsami leh iyadoo aan dhibaato weyn jirin. Waxaan la wareegnay sagaal goobood oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:39AM

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo digniin ka bixiyey xaaladda siyaasadeed ee cakiran ka hor doorashada

Intaa waxaa dheer, Sheekh Shariif ayaa cambaareeyay wax-ka-beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:18AM