Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusomareeb gaarey

Image

February 10, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran ayaa degmada Dhuusomareeb loogu soo dhoweeyey, waxaana soo dhoweyntiisa ka qayb qaatey boqolaal dadweyne ah oo watey calanka Somalia iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qornaayeen.

Ammaanka waa la adkeeyey waxaana nabadgelyada si buuxda gacanta ugu haya boqollaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudada uu Dhuusomareeb ku sugan yahay la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalku Dhuusomareeb ku tegayo dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland Ku Dhawaaqday Inay Noqotay Dowlad

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintan, oo kusoo beegmaysa xiisad soo bilaabatay Noofambar 2024.

  • Soomaliya

    08-12-2025

  • 06:13AM

Warbixin Sirdoon oo Turki ah oo ka digtay Xaaladda ka jirta Soomaaliya

Qiimeynta ayaa ku adkaysay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan weli awoodin amniga dalka la’aanteed taageero shisheeye.

  • Soomaliya

    07-12-2025

  • 07:23AM