Madaxweynaha DFS oo magacaabay Agaasimaha Nabad Sugida

Image

Sabti, Sept 20,2014 [GO]- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa agaasime cusub u magacaabay Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida ayaa loo magacaabey G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (Cabdiraxman Cumda) oo horey u ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Muqdisho.

Tuuryare ayaa xilal horey uga soo qabtey Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka balse Maxkamada Ciidamada Gudoomiye ka noqdey kadib markii Xassan Maxamed Xuseen(Mungaab) Madaxweyne Xasan Shiikh ka dhigey Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Agaasimaha cusub Cabdiraxman Tuuryare ayaa aad ugu dhow Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh.

Magacaabista Agaasimaha cusub ayaa imaaneysa kadib markii maanta qoraal kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka  uu ku aqbalay xil ka qaadista Agaasimihii hore ee Nabad Sugida Sanbalooshe.

Madaxweynaha Somalia ayaa horey u diidey xil-ka qadista Sanbalooshe lagu sameeyey kadib markii lagu eryey kulan Golaha Wasiirada Dowlada Federalka isugu yimaadeen kaasoo uu shir gudoominayey Ra'isal wasaare  Cabdiweli Shiikh.

Ogalaanshaha Madaxweynaha inuu aqbalo xil-ka qaadista Sanbalooshe ayaa sidoo kale wararku sheegayaan iney ku timid cadadis kaga yimid beesha caalamka kuwaasoo ka hortagayey khilaaf xoogan oo ka dhex qarxa madaxda sare ee Dowlada Federaalka ah.

G/Sare Cabdiraxman Tuuryare ayaa intii uu madaxda ka ahaa Maxakamada Ciidamada qalabka sida waxaa xukuno badan oo dil ahaa lagu ridey dad badan oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Hay'daha u dooda xuquuqal insaanka ayaa horey ugu eedeeyey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida intii uu madaxda ka ahaa G/sare Cabdiraxman Tuuryare in dilalka lagu xakumo dadka ka tirsan ururkaasi ay u dhacaan nidaam aaan wafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah, halka aragtiyo kale qabeen iney wanaagsan tahay in go'aano adag laga qaato dadka ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Magacaabistan oo wararku sheegayaan inaan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa ka dhigeysa markii labaad ee Madaxweynaha Somalia xilkaan u magacaabo shaqsi aad ugu dhow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM