Madaxweyneyaasha Somalia iyo Jabuuti oo booqdey Beledweyn

Image
Image
Image
Image

February 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaarey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo si diirran loogu soo dhoweeyey.

Soo dhaweynta labada Madaxweyne loogu sameyeeyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo halkaasi horey ugu sugnaa, maamulka gobolka, saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaalada Beledweyne .

Xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax isagoo sheegay ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay suurta geliyeen in Al-shabaab laga saaro magaalada Beledweyne, wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxweyne Geelle iyo guud ahaan shacabka dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowaladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo oo aad u qoto dheer isagoo intaas raaciyey in xukuumadda Jabuuti ay ka go’an tahay taageerada shacabka walaalahooda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab wajigiisa koowaad oo ahaa in maleeshiyaadka Al-shabaab laga xoreeyo magaalooyinka waaweyn isla markaana hadda la bilaabayo wajiga labaad oo lagu furayo wadooyinka ay gooyeen kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan isagoo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto heshiisiinta beelaha ku dagaalamaya deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka uu goobta ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ogolaadeen isla markaana ay soo dhaweeyeen in dowladda Jabuuti ay gacan ka geysan doono nabadeynta Beelaha walaalaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu amaan u jeediyay madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti dadaalada ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale sheegay in taageerada ay dowladda Jabuuti siisay Soomaaliya aysan marna ilaabi doonin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ku adkeeyay in ay u guntadaan sidii heshiis buuxa ay u dhex dhigi lahaayeen beelaha ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisu shalay ayey Muqdisho soo gaareen, waana markii ugu horreysey ee uu degmada Beledweyn booqdo.

Dowladda Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga boqollaal askari oo qayb ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM