Mareykanka oo duqayn cusub ka gaystey Somalia [Imisa ayaa ku dhimatay?]

Image

BAYDHABO, Somalia - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cusub oo dhanka cirka ah ay ka geysteen Koonfurta Somalia Talaadadii, 8-da January, taasoo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhig ay isku abaabulaan dagaalyahanada Al-Shabaab, oo ku yaalla Yaaq Braawe oo katirsan Gobolka Bay.

AFRICOM ayaa sheegtay in lix xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab lagu dilay weerarka, islamarkaana lagu bur-buriyay mid kamid ah baabuurtooda dagaalka, ee goobta yaallay.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in Militeriga Mareykanka ay fuliyey duqeynta iyagoo garab ka helayo ciidanka dowladda Federaalka ah ee Somalia, waxaana intaasi ku dareen inuusan jirin wax khasaaro ah oo shacabka soo gaarey.

Waa weerarkii 5aad oo Mareykanka ka geysto Somalia tan iyo markii uu billowday sanadkan cusub ee 2019, iyadoo tani ay qeyb ka tahay howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo Daacish oo Xukuumadda Washington sheegtay inay khatar ku yihiin danaha Mareykanka ee Geeska Africa iyo muwaadiniintiisa.

Madaxweyne Trump ayaa horaantii 2017 bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ku sugan Somalia, waxaana la xoojiyay joojigaanta ciidamada Mareykanka, oo la kordhiyay tiro ahaan, oo la gaarsiiyay 500 oo Askari.

Sanadkii tagey, labo Askari oo American ah ayaa lagu kala dilay Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, xilli ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ku gudaha jireen, waxaana khasaarahan u noqday midkii ugu horeeyay oo Mareykanka kasoo gaara Somalia tan iyo 1993-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM