Markab Afduub ka badbaaday & Burcadbadeed la qabtey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa sheegay in ay afduub ka badbaadiyeen markab shidaal siday kadib markii lagu weeraray xeebaha dalka Soomaaliya.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan ayaa gacanta ku dhigay lix burcadbadeed ah iyo doomo ay wateen, kuwaasi oo isku dayay inay afduubaan Markabka.

Burbacbadeeda la qabtey waxay isku dayeen inay qabsadaan Markab weyn oo siday 52 kun oo Tone oo shidaal ah xili uu marayay badweynta Hindiya, gaar ahaan biyaha koonfurta dalka Soomaaliya.

Dhacdadan waxay dhacday intii u dhaxaysay 17-ka ilaa 18-ka bishan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Howlgalka EU NAVFOR, oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online.

Kooxda burcadbadeeda ah waxay ku rideen Markabka shidaalka dhowr gantaallada garbaha laga tuuro ee RPGs iyo rasaas kale, balse u suurta gali waysay inay afduubtaan, kadib markii Markab Talyaaniga laga leeyahay usoo gurmaday.

Goobta lagu afduubi rabay Mrkabka ganacsi waa meel caan ku ah afduubka burcad badeeda, halkaasi oo hadda ay isha ku hayaan ciidamada shisheeye ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada oo wata diyaayada Helicopter ah ayaa dusha sare ka arkay markab oo halis ku jira kadibna dhankiisa usoo dhaqaaqay, waxayna rasaas is waydaarsadeen burbadbadeeda oo ugu dambeyn qabteen iyaga iyo labo doon oo ay saaranaayeen.

Ma jirto wax khasaaro ah oo gaarey shaqaalaha la socday markabka la weeraray kaasoo waan wali la sheegin dalka laga leeyahay, halka uu ka yimid, iyo meesha uu ku wajahnaa xilli uu la kulmayay weerarka.

Ciidamada Midowga Yurub waxay sheegeen in sharciga horgeyn doonaan lixda burcadbadeeda ah ee ay qabteen, kuwaasi oo magacyadooda wali la sheegin, balse la geyn doono dalalka lagu xiro burcada bada Soomaaliya laga qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM