Markab hub sida oo Berbera kusoo xirtey

Image

January 24, 2015 (GO)- Markab sida shixnad hub ah oon la aqoonin cida loo wadey ayaa kusoo xirtey dekedda magaalada Berbera. Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa warkaas xaqiijiyey.

Wasiirku wuxuu sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Shakir una raran ganacsato reer Somaliland ah markii rarka laga dejinayey lagu arkey dhowr gaadiidka dagaalka ee qafilan ah, tobanaan qori iyo rasaas fara badan.

Waran-cade wuxuu dhanka kale sheegay in baaritaan lagu wado hubkan iyo cidda iska leh xiliganna su'aalo la weydiinayo kabtanka markabka oo isagu sheegay in shixnadda hubka ah markabka laga soo saarey magaalada Port Sudan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la xirey kabtankii markabka MV Shakir kadib markii uu ka  dhega adaygey inuu bixiyo macluumaad dheeri ah.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad fawdo.

Laga soo bilaabo March 2014, markaasoo la khafiifiyey cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia, Dowlada Federaalku waxay dalka dibadiisa kala timid hub isugu jira 13,000 oo qori iyo ku dhowaad 5.5 milyan oo xabo oo rasaas ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM