Maxaa ka cusub kiiska muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo meel xasaasi ah ay mareyso dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya ee ku saabsan Sohdin-badeedka ayaa waxaa laga helayaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan mudada dheer soo jiitamayay.

Dacwadda oo hadda hortaallo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ] ayaa soo martay wajiyo kala duwan ayaa waxay hadda mareysaa meelmihii ugu dambeeyay, iyagoo horey loo soo sameeyay hal dhageysi, oo billow u ahaa furitaanka Kiiska.

Qoraallo badan ayay labada dowladood gudbiyeem iyadoo qoraalkii ugu dambeeyay waxaa gudbisay dowladda Kenya, taasoo su'aallo badan ay ka keeneen Qareenada Soomaaliya ku melata kiiskaan, oo hadda yaala Maxkamadda cadaalada aduunka.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya oo maanta gaarey wadanka Holland, gaara ahaan magaalada Hague, ayaa waxay u gudbiyeen ICJ jawaab ku saabsan qoraalkii Kenya.

Faah-faahinta ku saabsan labadda qoraal iyo dulucdooda wali kama soo bandhig, balse, warar ayaa waxay sheegayaan inay salka ku hayso inay jireen heshiisyo ay Kenya la gashay dowladihii dalka soo maray.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Xeer-illaaliyaha guud ee dalka Axmed Cali Daahir, waxaana kamid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, iyo mas'uuliyiin kale.

Danjire Fiqi ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay maanta oo Isniin ah, madaxda Maxkamada jawaabta Soomaaliya ay ka bixineyso hadalka kasoo yeeray Kenya, kaasoo ahaa qoraal ahaan.

Bayaan oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa waxaa lagu sheegay in isla maanta lagu wado in Kenya ay jawaab kasoo bixiso qoraalka Soomaaliya kasoo gaaray, si go'aanka loogu dhawaaqo.

Muranka xuduud-badeedkan ayaa soo ifbaxay sanadkii 2009-kii, kadib markii Kenya iyo Soomaaliya dal walba uu jeegtay 100,000-KM oo Isku-wareeg ah, oo saddex-xagal ah, halkaasi oo qani ku ah Gaas, Saliid iyo Kalluun badan.

Kenya ayaa mudo isku dayaysay inay meel ka baxsan ICJ lagu xaliyo mudankan, gaar ahaan Ururka IGAD oo labada dowladood ay xubno ka yihiin, balse isku-daygeeda ayaa noqday mid mara-dhali waayay.

Hoos ka akhri Qoraalka Maxkamada kasoo baxay:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM