Maxaabiis kasoo baxsadey Yemen oo Puntland soo gaarey

Image

April 5, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa soo gaarey qaar kamid ah maxaabiistii kasoo baxsatey xabsiga Mukallah ee dalka Yemen, halkaasoo labo maalmood kahor ay la wareegeen mileeshiyaad ka tirsan Al-qaacida.

Kooxda Ansarul Shariicah oo dagaal kula wareegtey xabsiga ayaa oodda ka qaadey boqollaal maxbuus oo qaar kamid ah horey loogu xukumey dil iyo xabsi daa'im. Dadka xabsigaas ka baxsadey waxaa ku jirey hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-qaacida laguna magacaabo  Khalid Badrifi iyo ugu yaraan 45 qof oo Soomaali ah.

Idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa maanta wareysatey labo nin oo magacyadooda ku kala sheegay Mahdi Cali Siciid iyo Cabdullahi Axmed. Labada nin waxay kamid ahaayeen Soomaalidii xabsigaas kasoo fakatey, waxayna ka sheekeeyeen qaabkii ay kusoo baxsadeen iyo dambiyadii lagu soo xirey.

Mahdi Ciise oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay in weerarka kahor loo sii sheegay xabsiga in lasoo weerari doono iyo weliba inay isu diyaariyaan sidii ay u baxsan lahaayeen. Nus saac kadib markii weerarku dhacay ayuu sheegay in dhammaan maxaabiistu ku guuleysteen inay xabsiga ka baxaan.

Mar la weydiiyey dambiga lagu soo eedeeyey iyo muddada ay xirnaayeen, wuxuu sheegay in burcad badeednimo lagu soo qabtey muddo toban sano ahna lagu xukumey balse shan sano ay xabsigaas ku jireen.

Cabdullaahi Axmed ayaa isna VOA-da u sheegay in muddadii uu hawlgalka baxsashadu socdey afar qof oo Soomaali ah dhaawacmeen, kuwaasoo labo kamid ahi lugaha ka jabeen kadib markii ay derbiga dheer ee xabsiga ka boodeen.

Dowladda Puntland ayaa walaac ka muujisey dagaallada ka dhacaya dalka Yemen iyo qaxootiga dalkaas kasoo cararaya maadama dadkaas ay kusoo dhex dhuuman karaan dambiileyaal iyo xubno ka tirsan dagaalyahannada Al-qaacida ee fadhigoodu yahay Jaziiradda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM