Michael Keeting oo Booqdey Kismayo

Image

KISMAYO: Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta booqasho ku taagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Keating oo ay wehliyeen xubno kale oo beesha caalamka ka tirsan ayaa magaalada kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee mamaulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadlay kadib kulankii uu la qaatay Keating ayaa sheegay inuu qaatay go’aamadii ka soo baxay shirkii madasha Wada-tashiga ee jaan gooynayay hanaanka ay ku qabsoomi doonto doorashada 2016ka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ku soo wajahan Puntland kuwasoo dadaal ugu jira sidii loo aqabali lahaa go'aankii dowlada Federaalka qaabka doorasho ee Somalia kaasoo tageero ka heley qaramada midoobey.

Halkan ka dhageyso warka la xiraara booqashadaas.

VOA+GRAOWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM