Midowga Yurub oo dhaqaalo u balanqaaday Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa shaaciyey in 56 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah uu ugu yaboohayo dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Deeqdaasi oo ay meel-mariyeen Golaha Fulinta ururkaasi ayaa looga talogalay wax ka qabashada xaaladaha bini'aadanimo ee degdeg ah.

Soomaaliya ayaa yaboohaasi dhaqaale waxay ku yeelaneysaa aduun dhan 28 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, halka Itoobiya ay qaadaneyso qoondo dhan 22-milyan.

Wadamada kale ee Kenya iyo Uganda oo martigeli qaxootiga ayaa waxay kala qaadan doonan 3.3 milyan iyo 2.2 milyan oo dollar.

Sidda lagu sheegay bayaan uu Goluhu soo saarey, lacagtaasi ayaa lagu caawin doonan dadka ay saameysay goobaha ay abaaraha ku dhuftaan wadamadaasi.

Lacagtan ayaa waxay qayb ka tahay 410 milyan oo dollar, taasi oo uu Midowga Yurub bartamihii sanadkii hore 2018-ka u balanqaaday Geeska Afrika.

Sikastaba, dalalka gobolka oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad dhanka bini'aadanimadda ah, taasi oo ka dhalatay roobab la’aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM