Midowga Yurub oo "weji gabax" kala kulmay dhismaha garoonka Baraawe

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa baraha bulshada kala kulmay digasho iyo cambaareyn markii garoonkii ay dhismihiisu maalgeliyeen ee Baraawe uu roob qaadey.

Kadib roob xoogan oo todobaadkii horey ku da'ay, sawirro laga soo qaadey garoonka ayaa muujiyey in daadadka ay cagta mariyeen dhabaha loogu talagalay in ay diyaaraduhu kusoo degaan.

Dadweynaha ka falcelinaya sawiradaas ayaa su'aal geliyey lacagta la sheegay in ay ku baxday dhismhiisa oo dhan 4.3 milyan oo Doolar; halka kuwa ay is-waydiinayaan hadii la musuqmaasuqay.

Nicolas Berlanga, danjiraha EU-da ee Soomaaliya, ayaanan wali ka jawaabin muranka xoogan ee ka dhashay dhismaha madaarka iyo qiimaha la tilmaamay in lagu maalgeliyey.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in isqabqabsi xoogan uu ka taagnaa dhulka laga hirgeliyey garoonka, wallow illaa iyo haatan aanan la ogeyn hadii la dhameeyay khilaafkaas.

Mashruuca dhismaha garoonka oo loo wakiishay fulintiisa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxaa hareeyay eedeymo la xiriira in wax-is-dabamarin baaxad weyn lagu sameeyay.

Ergayga Midowga Yurub ayaa safka hore kaga jiray dhinacyadda gedaal ka riixaya in Soomaaliya laga cafiyo deynta ay dowladaha caalamka ku leeyihiin ee wadar ahaan gaareysa 5.2 bilyan oo Doolar.

Bishaan Maaj 10-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii si rasmi ah loo daah-furay garoonka, iyaddoo ay goobjoog ka ahaayeen Khayre, Berlanga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhismaha garoonka Baraawe oo soo bilowday intii ay jirtay xukuumadda Shariif Xasan Aadan ayaa dib loo dhigay kadib doorashadii dhiiga uu ku daatay ee uu kusoo baxay Lafta-gareen.

Caqabadaha haatan uu wajahayo garoonka ee sababay in uu cagta mariyo daadadka ka dhashay roobkii dhowaan ku da'ay waxaa kamid ah in aan loo sameyn meel ay ka baxaan biyaha.

Baraawe, waa xarunta rasmiga ah ee dowlad gobolka uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasoo haatan si ku meelgaar ah ugu shaqeeya Baydhabo, oo ah magaala madaxda gobolka Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM