Milatariga Soomaaliya oo guul ka sheegtay howlgalkii Basra

Image

BASRA - Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa guul ka sheegtay howlgalka qorsheysan oo shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday saldhig Al-Shabaab.

Howlgalka oo isagu jiray cirka iyo dhul ayaa waxaa kawada qeyb-qaatey Ciidamada DANAB iyo kuwa Mareykan, waxaana uu ka dhacay degaanka Basra iyo tuulooyinka ku dhaw degmada Balcad, oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamadda xooga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamuud Macalin Koronto oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa daboolka ka qaaday in howlgalkaan ay ku burburiyeen Saldhig Shabaab ku lahaaeen tuulooyinkaas.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamadda is-garabsanaya ay usuura-gashay inay Shabaab ka saaraan gabi ahaanba degaanka, halkaasoo uu shaaca ka qaaday inay ku dileen hogaamiyaal sarre iyo Dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliye Koronto oo hadalkiisa ayaa ka dhawaajiyay magaca xubin ka tirsan Shabaab oo uu ku sheegay Macalin Abuubakar Duurow, kaaooo Al-Shabaab looga dhex-yaqaan Nuur Zubeyr, sida uu hadalka udhigay sarkaalkaan ka tirsan Milatariga.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in Nuur Zubeyr uu ahaa madaxa howlgaladda Al-Shabaab, islamarkaana uu kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda gacan saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda, ee fadhigiisu yahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

"Ciidanka xooga, oo taageero ka helaya kuwa Mareykan ah, waxaa u suuragashay inay kala wareegen Shabaab degaanka Basra, ayna halkaas ku dilaan 40 dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan oo uu ku jir sarkaal sare, Nuur Zubeyr," ayuu yiri Taliye Koronto.

Marka laga soo tago, sheegashada Milatariga Soomaaliya, Al-Shabaab dhinacooda ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin duqaynta cirka ah iyo weerarka dhulka ah ee lagu ekeeyay Saldhigyo ay ku leeyihiin Basra iyo tuulooyinka ku dhow.

Dadka degaanka oo u waramay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay maqlayeen Daryenka Rasaas xoog leh, kuwaasoo ka imaanayey qaarkood diyaarado kuwa Qumaatiga ukaca ah, inkasta oo ay sheegen inaanu hubin khasaaro ka dhashay.

Howlgalkaan ayaa qayb ka ah kuwa ay dowladda ku dhawaaqday inay fulineyso bilooyinka soo aadan, waxaana ujeedka laga leeyahay lagu macneeyay inay tahay in Al-Shabaab looga saaro degaanada wali ku hoos-jira maamulkooda.

Degaanka Basra oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka ayaa ku yaalaa xuduudka goboladda Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo la rumeysan yahay in Al-Shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM