Muddo kordhin loo sameeyay magacaabida wasiiradda Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Baarlamaanka maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah kulan wuxuu ku yeeshay xaruntiisa magaaladda Kismaayo.

Fadhigan oo kamid ah kuwa caadiga ah ayaa waxaa soo xaadirtay 57 mudane, sidda ay sheegtay xogheynta guud ee Aqalka Wakiiladda.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa ka doodista muddo kordhin loo sameynayo magacaabida Golaha Wasiiradda cusub ee maamulkaas.

Madaxtooyadda oo codsiga muddo kordhinta gudbisay ayaa qoraal ay ku dalbaneyso waxay u dirtay guddoonka xeer-dejinta.

Suldaan Cabduqaadir Xaaji Maxamuud [Luga-dheere], madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkaas ayaa ku saxiixnaa warqadda.

Cabdi Baaley Xuseen, ku xigeenka labaad ee afhayeenka baarlamaanka Jubbaland, ayaa wuxuu Xildhibaanadda u akhriyey warqadda.

Dalabka muddo kordhinta ayey Madaxtooyadda u cuskatey in madaxweyne Axmed Madoobe uu "ku mashquulsan yahay arrimo ay dib-u-heshiisiin kamid tahay".

"Sidaas awgeed, waxaan codsanayaa muddo 90-casho ah si aan ugu soo dhisno xukuumad tayo iyo aqoon leh oo u adeegta bulshadda Jubaland," ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii, mudaneyaasha oo cod u qaadey codsiga Madaxtooyadda ayaa ku meelmariyey cod wadar ogol ah, sidda uu ku dhawaaqay shir gudoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM