Muqdisho: guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir oo la diley

Image

May 6, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wadajir iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa saaka magaalada Muqdisho lagu diley.

Dabley hubeysan oo gaari watey ayaa rasaas ku furey gaari uu la socdey mas'uulkaas oo lagu magaaabi jirey Cabdifataax Barre, xillu marayey Xaafadda Nasteexo.

Dableyda ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halkaas daqiiqado kaddib soo gaarey ciidamada ammaanka oo sameeyey baaritaan muddo kooban socdey.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Dilalka qorsheysan ayaa todobaadyadii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay oo keliya, waxaa Muqdisho lagu diley lix qof oo isugu jirey mas'uuliyiin dowladda ka tiranaa, saraakiil horay xilal usoo qabtey iyo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM