Muqdisho: kolonyo ka tirsan nabad-sugidda oo qarax lala eegtay

Image

January 4, 2015 (GO)- Kolonyo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda Dowlada Federaalka ayaa galabta qarax lagula beegsaday degmada Waaberi  gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaan Afisyooni.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan waxaa jugtiisa laga maqlay badi degmooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada la weeraray oo watey dhowr gaari waxay kusii jeedeen garoonka diyaaradaha.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa haseyeeshee waxaa loo badinayaa inuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo qof gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey saarnaa fuliyey.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha qaraxaasi geystey mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Al-shabaab duulaan qorsheysan ku qaaday xerada Xalane oo iyadu ah saldhigga koowaad ee taliska ciidamada AMISOM.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM