Muqdisho: sirdoonka DF oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan Al-shabab

Image

December 9, 2014 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dhowaan sirdoonka Soomaaliya iyo kan Kenya oo is kaashanayaa ku qabteen xadka u dhexeeya labada dal ayaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay.

Ninkaas oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji  wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta isagoo horay loogu soo eedeeyey inuu qayb weyn ka qaatay dilal qorsheysan oo lagu diley dhowr weriye islamarkaana si joogto ah weriyeyaasha ugu soo hanjabi jirey.

Af-hayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta kula hadlay goobta ninkaas lagu soo bandhigay oo ahayd xarunta hay'adda nabad-sugidda ee degmada Shibis ayaa sheegay in Xanafi todobaad kahor Muqdisho lasoo gaarsiiyey.

Dhanka kale wuxuu mahad u celiyey dowladda Kenya gaar ahaan hay'adaheeda sirdoonka oo sida uu sheegay qayb weyn ka qaatay sidii ninkaas isaga oo nool gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in sharciga la horkeeno Xasan Xanafi oo in muddo ah baxsad ahaa kadib markii ciiamada dowlada iyo kuwa AMISOM la wareegeen magaalooyinkii ugu waaweynaa ee Al-shabaab fariisinka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM