Mursal oo u balan-qaadey Odayaasha KG in Roobow lasoo deyn doono

Image

BAYDHABO, Somalia - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Somalia oo magaalada Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray in lasoo dayn doono Mukhtaar Roobow.

"Waxaan adiin balan-qaadayaa in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono," sidaasi ayuu Mursal u sheegay Odayaasha uu kula kulmay magaalada Baydhabo.

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa la xiray 13-kii December, 2018 isagoo kamid ahaa Musharixiin tartanka doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in rajada ay ka qabaan tani ay tahay mid meel fiican mareysa, inkasta oo uu xusay inay jiraan su’aalo badan oo horyaala oo ku saabsan mustaqbalka Roobow.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, qodobada laysku mari la’yahay ayaa ah; hadii ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab uu kusii jirayo siyaasada ama uu gabi ahaan ka noqonayo mid indha kala socda.

In ka badan 10 ruux oo uu ku jiro Xildhibaan ayaa ku geeryootay rabshado ka dhashay xariga Roobow, waxaana ay kamid tahay waxyaabaha ay Odayaashu doonayaan in laga garaabo, sida uu kulanka ka sheegeen.

Gudoomiye Mursal oo arrintaan ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inay kamid tahay waxyaabaha ay gor-gortan kala galayaan Villa Soomaaliya, oo ka reebtay Roobow doorashadii qabsoontay 19-kii December 2018.

"Waa lasoo dayn doonaa Mukhtaar…laakiin, miyuu qayb ka noqonayaa dowladda mise Bakaaro ayuu guri ka degayaa…waa arrimaha aan kawada hadleyno," ayuu Mursal u sheegay wariyaasha kadib kulankaasi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu daboolka ka qaaday in xariga Afhayeenkii hore ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay dowladdu kala kulantay dhaleecay ka timid Beesha Caalamka, taasi oo ku noqotay waydiimo ku foorarta.

"Wakiilkii Qaramada Midoobay [Haysom oo ay dowladu fiijisay horaantii bishaan Janaayo] wuxuu xilkiisa ku waayay arrinta Roobow," ayuu Afhayeenka hadalkiisa raaciyay, isaga oo muujinaya sida ay saaxibada caalamka uga soo horjeedaan.

Ugu dambeyntii, wuxuu si cad daaha uga rogay in madaxda ugu sareysa dowladda ay balanqaadeen inay magdhow ka bixinayaan wixii ka dhacay Baydhabo intii lagu guda jiray olalaha doorashada oo ay gacma-gacmeysa xukuumada.

"Aniga iyo Laftagareen [Madaxwaynaha Koonfur Galbeed] waxaa nahay kuwa ay eegayaan dadka gobolkaan kasoo jeeda..hadii aan soo dayn wayno Mukhtaar kuraasta aan ku fadhino waa wax kale," ayaa laga soo xigtay Mursal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM