MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa beeniyey hadal dhowaan kasoo yeeray Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka ahna Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre 2020-21.
Khayre ayaa sheegay in qaar kamid ah dalalka caalamka u joojiyeen taakuladii dowladda federaalka sababo la xiriira isqabqabsiga ka taagan doorashooyinka 2020-21.
Labada mas'uul ayaan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashooyinkooda marka laga reebo in ay ka dhawaajiyeen warka la xiriira hakinta iyo beeninta jiritaanka.
Bayle oo la hadlay telefishinka dowladda gaar ahaan "Barnaamijka Kulanka Todobaadka" ayaa sidoo kale wuxuu sharaxay deeqaha la siiyo xukuumadda federaalka ee kaga yimaada dalalka caalamka.
Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo iska dhowray in uu carabka ku dhufto Khayre ayaa "mala awaal" ku qeexay dhawaqa kasoo yeeray Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka.
"Haba yaraatee, ma jiraan," ayuu kaga jawaabay su'aasha laga waydiiyey hadalka Khayre. "Lacagaha nala siiyo waxay ka yimaadaan saddex meelood. EU-da, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Baanka Aduunka. Hadda World Bank waxaan ka fileynaa kab kale oo horey ay noo siiyeen oo dhan 100 milyan. EU-dana 100 milyan waxayna na siiyeen 50 milyan, inta hartayna way nasiinayaan. Sheekadaa meel laga keenay ma garanayo waa iska mala awaal," ayuu tibaaxay.
Isaga oo ka hadlayey munaasabad ay todobaadkan Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha Musharaxiinta, Khayre ayaan soo bandhigin magacyada dalalka joojiyey dhaqaalihii ay siin jireen dowladda.
"Dalkan wuxuu ku nool-yahay taageero dhaqaale oo uu ka helo Beesha Caalamka. Taageeradaas dhaqaale ee Beesha Caalamka dalkan uu ka helo, doorashadda caawa lagu muransan yahay awgeed ayaa dalal kamid ah Beesha Caalamka u joojiyeen lacagtii dowladda lagu kaalmeynayay; in lasoo furana waxaa laga yaabaa sanado qaadato," ayuu Khayre ka yiri munaasabada.
Sidda laga soo xigtay Khayre, sidoo kale dowlado ayaa joojiyey taageeradii ay siin jireen ciidamadda Soomaaliya taasoo isugu jira qalabeyn iyo mushaharkooda.
"Dowladda Soomaaliya ciidankeeda waxay taageero uga baahan yihiin dalal kamid ah Beesha Caalamka oo qalab iyo dhaqaalaba ku bixiya. Doorashadda lagu muransan yahay awgeed ayaa la joojiyey qaar kamid ah caawinaadii ciidanka la siin jiray waa in la idin sheegaa waxa dalkiina ka socda," ayuu ku daray.
Hadalka musharaxa Khayre ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadalheyn in Midowga Yurub uu u joojiyey taageerada dhaqaale ee Dowlada Soomaaliya sababo ay kamid tahay ku xadgudubka xorriyadda hadalka.
GAROWE ONLINE
