DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaafiic ayaa lagu waramay in caawa ay ku dhaceen qaybo kamid ha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb halkaasoo ay ku hoydeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee ay isku aragtida ka yihiin khilaafka doorashooyinka.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaasha oo la sheegay in qaarkood ku dhaceen guryo shacab degan yihiin. Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay falkaas.
"Madaafiicdu waxay ku dhow yihiin lagaba yaabee in ay ka badan yihiin tobban xabo. Dhawaqooda wuxuu ahaa mid aad u culus, waxayna ku kala dhaceen jihooyin kala duwan," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay warsidaha Garowe Online.
Fahfaahinada qaar ayaa tibaaxaya in hal madfac uu ku habsaday guri ay dagan yihiin dad shacab ah isla markaana waxyaaladda ay badan tahay.
"Dadka ku dhow guriga magaaladda laga dejiyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale waxay soo sheegayaan in aagaas ay dhowr madfac ku dhaceen," ayuu ku daray ruuxa u waramay GO.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan madaafiicda ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka maamulka Galmudug.
Ammaanka Dhuusamareeb ayaa bilooyinkii lasoo dhaafah wuxuu ahaa mid habacsanaan ay ka jirtay iyadda oo Al-Shabaab ay dhowr jeer madfac ku weerartay garoonka diyaaradaha magaaladda oo ay ku jirto mar uu ka duulayey madaxweyne Qoorqoor.
GAROWE ONLINE