MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo waa in dalka uu xoog kusii haystaa ama la iska kiciyaa, sidda uu ku baaqay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo Arbacada maanta ah qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa cod dheer wuxuu ku cambaareeyay ciidamada lagu daabulay waddooyinka gala Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Warsame, amarka askartaas loogu daadiyey jidadkan laga ilaaliyo Villa Soomaaliya waxaa bixiyey Farmaajo, iyaddoo hadafkiisu yahay in uu kulanka baarlamaanka ka hor istaago 15 kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose.

"Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa," ayuu Warsame ku yiri qoraalkiisa oo ay ka falceliyeen dad badan.

Wuxuu intaas ku daray: "Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen. Xalane way degeen".

"Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa," ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya iyo xafiiska guddoonka Golaha Shacabka ayaa wali jawaab rasmi ah waxa aysan ka bixin dhawaqa siyaasi Warsame.

Warsame ayaa horaantii todobaadkan wuxuu weerar afka ah ku qaadey Farmaajo oo uu ku sifeeyay "nin gacanta ku haysto bambo jaagada ka furan tahay".

"Hadaad bomb gaajada ka furato gacanta ku haysato halis ka weyn ma jirto. Maxamed Farmaajo waa nin bomb gaajada ka furan tahay gacanta ku haysta. Annaga maxaan rabnaa asaga in aan ka badbaadino oo aysan ku qarxin, annaga aysan nagu qarxin. Laakiin asaga dan kama lahan in ay ku qaraxdo, in ay annagana nagu qaraxdo dan kama lahan," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Dalsan Tv.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda kaga jirta qalalaase dastuuri ah. Wadahadalada xalka loogu is-mari-waaga doorashooyinka waxay hakad ugu jiraan in Farmaajo uu ogolaado in shirka uu noqdo mid ay kawada qeybgalaan guud ahaan daneeyeyaasha.

GAROWE ONLINE