DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maamulka Galmudug ayaa guulo horleh Isniinta maanta ah wuxuu ka sheegtay howlgaladda ay ciidamadda dowlad goboleedka ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Mudug.
Sida ku xusan qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug, saanad ciidan ayay ciidanku ku qabsadeen howlgalka. Sidoo kale, waxay gacanta kusoo bandhigeen tirro maleyshiyaad ah.
"Ciidamada qaranka, kuwa Galmudug iyo naftood hurayaasha deegaanka ayaa si buuxda saakay uga fara maroojiyey kooxda kooxda argagixisada Shabaab saldhigyadoodii maalmihii la soo dhaafay ay ku mintadayeen ee Bariga iyo koofurta tuulada Qaycad," ayay tiri wasaaradda.
War-saxaafadeedka ayaa wuxuu intaas ku daray: "Qiyaastii 20 qori, raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo ay daadiyeen Marka ay firxanayeen ayaa sidoo kale gacanta looga dhigay".
"Kooxda fulayada ah ee Shabaab ee deegaanadan ka firxatay ayaa lagu soo waramayaa in dadka deegaanadan ay qoryaha ka uruursanayaan, loona soo dhiibayo maamulada iyo ciidamada huwanta ah," ayay tibaaxdey.
Bayaanka ayaa lagu xusay "Ciidamada soo-majeestayaasha geesiyada ah ee qaranka iyo Galmudug ayaa [sidoo kale] Gudaha u galay magaalada istiraatiijiga ah ee Camaara. Guulaha talantaalliga ah ee ciidamada huwanta ah iyo guuldarada argagixisada ayaa saacadba saacadda ka danbaysa isa soo taraya".
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], ayaa ugu hambaleeyay ciidamadda guulaha ay kasoo gaareen dhaqdhaqaaqyadda ka dhanka ah maleyshiyadda xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.
Howlgaladda ka soconaya gobolka Mudug ayaa bilowday ugu yaraan saddex asbuuc kahor waxaana ay kusoo aadeen iyadda oo maamulka uu isku diyaarinayo qabashadda doorashooyinka xubnaha labadda Aqal.
GAROWE ONLINE


