MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal, Cabdulaahi Abyan Nuur, ayaa fiidnimadii Jimcada maanta ku geeriyoodey magaala madaxda Soomaaliya.
Marxuumka ayaa si gaar ah ugu dhex-dhintay isbitaalka lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay safmarka Covid19 ee Martiini ee magaalada Muqdisho. Horay looma shaacin in laga helay fayruska.
"Xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay in guddoomiyaha uu maalmahii dambe xanuunsanaa," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda Somaaliya.
Bayaan kooban oo kasoo baxay guddiga uu madaxda u ahaa marxuumka ayaa tacsi tiiraanyo leh waxaa loogu diray qoyska, ehelada, qaraabadda iyo asxaabta.
"Ilaahay ha u naxariisto jannadii firdowsana haka waraabiyo Gudoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Gudoomiye kuxigeenka iyo dhammaan xubnaha Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka waxaa ay u tacsiyeynayaan ehelada, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday gudoomiyaha. Samir iyo iimaan alle hanaga wada siiyo kuligeen. Aamiin Aamiin," ayaa lagu yiri.
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, musharaxiinta madaxtinimadda iyo siyaasiyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka kaasoo aan qeyb ka ahayn safaro guddiga ku tagay qaar kamid ah xarumaha maamulada.
Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka heer federaal ayaa udub-dhaxaad u ah ogolaanshiyaha natiijada kasoo baxda doorashada iyo soo afjarida muran walba oo ka dhasha natiijadda coddeynta ka dhacda dalka.
GAROWE ONLINE