MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sida laga soo xigtay wareegto kasoo baxdey xafiiska Rooble, wuxuu si ku meelgaar ah madaxa guud ee hay'adda NISA uu ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Fahad uu dalbadey kulan ay isugu yimaadaan madaxda dowlada federaalka iyo maamulada si uu warbixinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu ula wadaago.
Dhawaqa Fahad ayaa jawaab u ahaa amar kaga yimid Rooble oo ku saabsanaa in uu 48-saacood ku caddeeyo masiirka Ikraan soona gudbiyo xog ka duwan in ay dishay maleyshiyadda Al-Shabaab.
NISA ayaa Khamiistii shaacisay in Ikraan oo la waayey laba bilood kahor ay u gacan-gashay ayna dileen maleyshiyada Al-Shabaab. Hase ahaatee, kooxda hubeysan waxay iska fogeysay eedeyntaas.
Siyaasiyiin ayaa jawaabta Fahad ku qeexay diidmo qaxayan. Jawaabta Fahad waxay timid xilli Rooble la kulmay qoyska Ikraan oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo ehelkeeda.
Garowe Online ayaa xaqiijiyey in Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha mukhaabaraadka Soomaaliya, uu si qarsoodi ah dalka uga baxay maalmo kahor shaacinta dilka haweenaydan ka tirsaneyd NISA.
Fahad oo horey u ahaa wariye ka tirsan Al-Jazeera ayaa xubin ka ahaa shabakadda Al-Ictisaam oo horey loo oran jiray Ex-Al-Itixaad. Waxaa si weyn loo dhaliilaa fahamkiisa dowladnimadda casriga ah.
GAROWE ONLINE