MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo qoraal soo saarey ayaa wuxuu garab-istaag ballaaran u muujiyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Sida laga soo xigtey bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, musharaxiinta waxay si gaar ah u soo dhaweynayaan shirka uu Rooble ku baaqay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulankaas oo la filayo in ay kasoo wada qeybgalaan madaxda maamuladda waddanka ayaa qorshuhu wuxuu yahay in uu qabsoomo 27-da bishan sii dhamaanaysa ee December.

"Golahu wuxuu boggaadinayaa dadaalka uu ra'iisul wasaaraha ugu jiro sixitaanka doorashooyinka," ayaa lagu yiri qayb kamid ah qoraalkan ku taarikheysan 23-da bishan bishan December, 2021.

Tartameyaashan isugu jira madaxwayneyaal horey, ra'iisul wasaare hore, iyo mas'uuliyiin kale ayaa qoraalka ku rajeeyay in qaab nabadeed looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashooyinka dalka.

"Goluhu wuxuu rajeynayaa in si wadajir ah looga gudbo caqabadaha ku hor-gudban in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh taasoo lagu qanco natiijadeeda," ayay kusoo xireen.

Dhawaqa musharaxiinta madaxtinimadda ayaa yimid xilli uu soo shaac-baxay khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay Rooble iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo xaalad ciidan oo laga dareemay Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE