MUQDISHO, (GO) - Warar dheeraad ah ayaa iska soo taraya gobolada Bay iyo Bakool, halkaasi oo uu ka biloowday kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab.

Markii uu waagu baryay maanta, ciidamada macawuusleyda oo loo bixiyay Ciidamada Xoreynta Koonfur Galbeed oo ka kooban beelaha dega deegaanadaasi, oo ay la socdaan ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay tuulooyin iyo deegaano ay isaga baxeen kooxda Alshabaab.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamadan ay hadda kusii dhowyihiin deegaanka 20 jiroow oo ah saldhigga ugu weyn Alshabaab ee Bay, lamana oga in halkaasi uu ka dhici doono iska hor imaad.

Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta ku sugan goboladan, muhiimadda ugu weyn hadda waa in la isu furo magaalooyinka kala xiran ee go’doonka ku jira, lana helo dhaqdhaqaaq gaadiidka iyo dadka oo u dhaxeeya labada gobol, ka hor inta aanan xoogga la saarin ka sifeynta Alshabaab.

Hadda waxaa lagu hawlanyahay sidii la isugu furi lahaa magaalooyinka waaweyn ee Bardaale iyo Qansax Dheere, wuxuuna qorshahaas ka socdaa magaalada Bardaale.

Gobolka Bay ayaa xuddun u ah kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab kadib markii sanadkan dhexdiisa ay kooxdani weerar ku qaadeen degmooyin ka tirsan Bakool, kadibna u gudbeen dhulka dowlad deegaanka, markaas oo wixii ka dambeeyay lagu qaaday weeraro qasaare badan loogu geystay.

Saxaafadda galaangal badan uma lahan Bay iyo Bakool, waxaase muuqata in saamaynta ka dhalatay dagaalada Hiiraan iyo Galgaduud ay dafiiciyeen awooddii Alshabaab ee goboladaas, taas oo la sheegay in ay keenayso in ay isaga baxaan magaalooyin badan maadaamaa aysan isu gurman karin hadda.

GAROWE ONLINE