Nabadoon caan ahaa oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

March 31, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Nabadoonkaas oo lagu magacaabi jirey Cali Cabdi Xiidow waxaa xalay saqdii dhexe gurigiisa ugu dhacay dabadeedna toogtey saddex nin oo wejiga soo duubtey.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyootey xaaskii nabadoonka oo iyadana lagu magacaabi jirey Xabiibo Cusmaan Aadan.

Dilka nabadoonka weli cid looma soo qaban balse booliska ayaa maanta hawlgal baaritaan ah ka sameeyey qaybo kamid ah magaalada.

Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo xumaanayey, waxaana laga soo bilaabo bishii hore ee February degmadaas lagu diley tobannaan qof oo u badnaa culimaa'uddiin iyo waxgarad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM