Nabadoon kamid ahaa Ergadii Doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Dabely hubeysan ayaa xalay nabadoon kamid ahaa Ergadii doorashada ku dishay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, xilli amniga si aad ah loo adkeeyay oo meel akasta Ciidamo lagu daadiyay.

Odayaga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cali Xasan ayaa waxaa lagu toogtey meel u dhaw Gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley, oo kamid ah goobaha lagu ugaarsado Odayaasha dhaqankaa ee ka qeyb-qaatey Doorashadii Baarlamaanka.

Marxuum Ibraahim oo kamid ahaa Ergadii soo dooaratay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meydkiisa laga qaadey goobta lagu dilay, kadib markii ay baxsadeen dableydii dilkiisa ka dambeysay.

Dilka Odaygan oo ay fuliyeen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa waxaa mas'uuliyadiisu sheegtay Kooxda Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM