Nin wariye ah iyo xaaskiisii oo xalay Baydhabo lagu diley

Image

April 30, 2015 (GO)- Wariye ka tirsanaa Radio Baydhabo ayaa xalay saqdii dhexe isaga iyo xaaskiisii waxaa ku diley isla magaalada Baydhabo.

Wariyahaas oo lagu magacaabi jirey  Daa’uud Cali Cumar, waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Berdaale ugu soo dhacay, kaddibna toogasho ku diley dabely hubaysan.

Dableyda oo dilka kaddib goobta ka baxsatey ayaa sidoo kale markii ay sii cararayeen toogtey nin kale.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa soo gaarey goobta, waxayna boolisku sheegeen inay ku raad joogaan dhowr qof oo laga shekiyey.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey degmada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM